Saturday, November 23, 2024

11 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay waqooyiga dalka Pakistan

Islamabad (Dawan)- 11-qof ayaa ku dhintay waqooyiga dalka Pakistan kadib markii qarax lagula beegsaday gaarigi ay saarnaayeen meel u dhaw xuduudda dalka Afghansitaan.

Anwaarul-Haq Kakar, Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah ee Pakistan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in maanta oo Axad ah la dilay 11 qof kuwaas oo ka shaqeynaayay mashruuc ay lahaayeen ciidanka.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka iyo booliiska gobolka Khyber ee waqooyiga Pakistan ayaa sheegtay in walxaha qarxay lagu xiray gaari ay saarnaayeen shaqaale u socday mashruuc dhismo oo ciidamada Pakistan ka wadaan  magaalada Waziristan oo  u dhow xuduudka ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan lala beegsaday shaqaalaha balse waxaa gobolka ka dhacay dhowr weerar waayadii lasoo dhaafay kadib markii uu  burburay heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee u dhexeeyay Daalibaanka  Pakistan iyo xukuumadda Islamabad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here