Monday, September 16, 2024

20 qof oo ku dhinay doon kula qallibantay meel u dhow Garissa

Garissa (Dawan)- Ugu yaraan 20 qof oo rakaab ah ayaa ku dhintay, in ka badan 30 kalena waxaa lagu jiraa baddi goobkooda kadib markii doontii ay la socdeen kula qallibantay deegaanka Punda oo ka tirsan degmada Tana River ee u dhow magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sida ay sheegeen maamulka deegaanka, doonida ayaa ku wajahneyd magaalada Garissa, waxaana la socday 50 qof oo rakaab ah, iyada oo shilku ka dhacay aagga Kona Punda oo dhaxeeya Madogo iyo Garissa.

Wabiga Tana ayaa sameeyay fatahaado kadib markii uu Kenya ka da’ay roob mahiigaan ah, isbuucyadii lasoo dhaafay.

Waddooyinka isku xira Garissa iyo Nairobi ayaa go’ay, waxeyna keentay in dadku isticmaalaan doomanka laakin sida ay sheegeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta waxaa dhibaatada ka qeyb qaatay tirada xad dhaafka ah ee la saarayo doomanka.

Qaar ka mid ah dadkii soo badbaaday ayaa sheegay in qaarkood ay heleen geedo ay ku badbaadaan halka kuwa kale ay soo samata bixiyeen laamaha gurmadka ah.

Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay Kenya ayaa galaaftay nolosha in ka badan 90 qof tan iyo bishii March halka tobaneeyo qof la la’yahay.

Sida ay sheegtay dowladda Kenya, daadadka ayaa barakiciyay 24,196 qoys oo ka kooban ku dhawaad 131,450 qof, waxaana la dhisay 50 xero oo loogu tala galay dadka soo barakacay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here