Monday, September 16, 2024

20 qof oo lagu la’yahay xeebaha Talyaaniga

Rome (dawan)- Xafiiska ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ku leedahay Talyaaniga iyo Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in ugu yaraan 20 qof oo tahriibayaal ah la la’yahay ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay Badda Mediterranean-ka, meel u dhow Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Afhayeenka UNHCR, Chiara Cardoletti ayaa sheegtay in doonida ay dadkaas la socdeen ay degtay Axadii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen todoba qof oo lasoo badbaaday.

Sidoo kale, Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen doon ku go’doonsaneyd meel 20 KM u jirta Lampedusa oo ay saarnaayeen 7 qof oo dhammaantood ahaa Suuriyaan ah.

Muuqaalo ay baahiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa muujinayay tahriibayaasha oo saarn doon aad u yar oo gabi ahaanba ay ka buuxsameen biyo, kuwaas oo loo samaynayo gurmad

Ciidamada Ilaalada xeebaha oo soo xiganaya tahriibayaasha la soo badbaadiyay ayaa sheegay in 1-dii September ay kasoo baxeen Libya 28-qof oo ay ku jiraan 3 caruur ah oo aan qaan-gaarin, waxaana laga yaabaa 21 ka mid ah inay ku dhaceen biyaha sababo la xiriira cimilada oo xun, waxeyna ciidamadu intaas ku dareen in baadigoob loogu jiro dadka maqan.

Sannadkii hore, in ka badan 3,000 oo muhaajiriin ah ayaa la waayay kaddib markii ay isku dayeen inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka caalamiga ah.

Sida laga soo xigtay tirakoobyada wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga, tirada dadka kasoo gudbi jiray badda ayaa hoos u dhacday tan iyo bilowgii sanadkan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here