Friday, October 18, 2024

500 oo askari oo ku biiraya Gorgor kadib marki ay dhameysteen tababar

Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay Khamiisti munaasabad tababar loogu soo xiraayay 500 oo askari kuwaas oo tababar ku qaatay akadeemiyada tababarka ciidamada Turkiga ee Soomaaliya “Turksom”.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaha ciidamada ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa bogaadiyay taageerada ay Dowladda Turkigu siiso ciidamada Soomaaliya, isagoo yiri: “Akadamiyadda Tababarka Milliteriga ee Turkiga waxay door muhiim ah ka ciyaartaa dhismaha iyo horumarinta mustaqbalka ciidamada xoogga dalka”.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in cadawga kaliya ee ay leeyihiin ciidanka Soomaaliya in uu yahay kooxda Al-Shabaab, isagoo kula dar daarmay askarta dhameysatay tababarka in ay ilaaliyaan qiyamka iyo mabaadi’da ciidanka, isla markaana ay xil iska saaraan ilaalinta iyo sharafta shacabka.

“Deegaanno badan oo muddo dheer ay joogeen argagixisadu ayaa xor ka ah maanta. Sharafta iyo karaamada ay umadda Soomaaliyeed leedahay cidda soo celin karta waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee ka qalin jabiyay xeeryahan”. ayuu yiri, Xasan Sheekh

Akadeemiyada Turksom oo dhidibada loo taagay sannadkii 2017-kii ayaa loo aas-aasay in lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, laguna kobciyo tayadooda.

Waxaa lagu qiyaasaa in Turkigu uu tababaray in ka badan 16,000 oo askari oo Soomaali ah, tiradaas oo u dhiganta seddex meelood meel ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo lagu tababaray gudaha Turkiga iyo saldhigga ku yaal Soomaaliya ee loo yaqaano Turksom.

Munaasabaddan ay tababarka ku dhamesteen askartaan cusub ee ku biiri doonta ciidanka sida gaarka u tababaran ee Gorgor ayaa kusoo aadeysa bil kadib markii ay Wasaaradaha Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga ay Magaalada Ankara ku kala saxiixdeen heshiis dhanka iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa socon doona muddo 10 sano, iyada oo xogta laga helayo ay tilmaameyso;

  • Sameynta Maraakiib ciidan, dhisidda iyo hawlgelinta dekedo, samaynta hab-raaca sharci ee lagama maarmaanka u ah arrintaan, iyo midaynta shuruucdii socdaalka badda ee labada dal.
  • Ka taageeridda ciidanka Soomaaliya dhanka tababarada, farsamada iyo qalabka.
  • Horumarinta iyo casriyaynta awoodda ciidanka badda ee Soomaaliya.
  • Ka hortagga wasakhowga badda.
  • Qorshaynta iyo hirgelinta hawlgallada cirka, dhulka iyo badda ee wadajirka ah, haddii ay timaado baahi ah in la difaaco khayraadka badda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here