Thursday, September 19, 2024

52 sano kadib Soomaaliya oo markale xubin ka noqotay Golaha Ammaanka

New York (Dawan)- Soomaaliya oo ahayd musharraxa kaliya ee ka socday qaaradda Afrika ayaa loo doortay xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

179 dowladood ayaa u codeeyay Soomaaliya, iyada oo sidoo kale la doortay dowladaha kala ah Pakistan, Panama, Denmark, iyo Greece.

Arrintaan ayaa ka dhigan in Soomaaliya markii labaad xubin aan joogta ahayn ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada kadib sannadkii 1971-1972.

Wasiira Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa X kusoo qoray; ” 179 cod ayay Soomaaliya ku gudubtey waxaana laga rabay 124 . Waxayna Soomaalia ka mid noqotay Golaha Ammaanka 2025 -2026 Guul iyo dabaaldeg weyn ayaa inoo sugnaatey” .

Golaha Ammaanka ayaa leh mas’uuliyadda koowaad ee ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah, wuxuuna ka kooban yahay 15 xubnood. Shanta kala ah Mareykanka, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha waa xubno joogta ah halka 10 kale si wareeg ah loosoo doorto.

Sida uu dhigayo Axdiga Qaramada Midoobay, dhammaan dalalka xubnaha ka ah waxaa ku waajib ah inay u hoggaansamaan go’aamada kasoo baxaya Golaha Ammaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here