Thursday, September 19, 2024

Biixi oo safiirka Mareykanka u sheegay inaan dib loo dhigi doonin doorashada

Hargeysa (Dawan)- Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard H. Riley ayaa booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Somaliland, isaga oo kulamo la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hogaamiyayaasha ururada siyaasadda, bulshada rayidka iyo ganacsatada.

Biixi iyo safiirka ayaa kawada hadlay nabadgelyada guud ee mandaqada geeska Afrika, arrimaha doorashooyinka, heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia, sida ay sheegtay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa safiirka la wadaagay in dadaal badan la geliyay arrimaha doorashooyinka ee la filaayo inay dhamaadka sanadkan ka qabsoomaan Somaliland, wuxuuna ballan qaaday in waqtigeeda aan dib looga dhigi doonin.

Biixi ayaa sidoo kale kala hadlay safiirka is-afradkii dhexmaray Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia billowgii sanadkan, wuxuna xusay in heshiiskaas uu gobolka kusoo kordhin doono iskaashi dhaqaale, mid amni iyo isu-socodka ganacsiga, taasina ay xoojin doonto dedaaladii hore loogu jiray horumarka gobolka.

Dhanka kale, war-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda Mareykanka, waxaa lagu sheegay in safiirku ku dhiirageliyay mas’uuliyiintii uu la kulmay wadashaqeynta iyo wada xaajoodka gobolka si loo xalliyo caqabadaha diblomaasiyadeed iyo kuwa amniga ee jira.

Dowladda Mareykanka ayaa hore walaac uga muujisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxeyna ugu baaqday dhinacayda kala duwan inay xiisadda jirta ku xalliyaan wadahadal iyo hannaan diblomaasiyadeed, kana fogaadaan wixii qalqal gelin kara xasiloonida gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here