Thursday, September 19, 2024

Jabuuti iyo Imaaraadka oo kawada hadlay arrimaha gobolka

Abu Dhabi (Dawan)- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheekh Cabdullaahi bin Zayed Al Nahyan, ayaa magaalada Abu Dhabi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay dhowr arrin oo ku saabsan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo tubta iskaashiga ee labada dal, si looga mira dhaliyo danaha labada dal.

Sheekh Cabdullaahi bin Zayed Al Nahyan ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Imaaraadku u doonayaan inay sare u qaadaan iskaashiga mira dhalka ah ee ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Jabuuti, si looga dhabeeyo gaarista himilooyinka horumarineed ee labada dal kuwaas oo u horseedaya dadkooda barwaaqo.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha ka taagan guud ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan duullaanka Isarel ee marinka Gaza, iyada oo sidoo kale dib u eegis lagu sameeyay colaadda ka jirta dalka Suudaan.

Labada dowladood ba ma shaacin in kulanka lagu soo qaaday khilaafka dhanka dekedaha ah ee soo billowday tan iyo markii Jabuuti ay ku dhawaaqday inay joojisay heshiiski ay kula jirtay shiradda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay sannadkii 2018.

Bishii March ee isla sannadkaas, Jabuuti waxay ku eeddeyay DP World in ay si bareer ah ugu guul darraysatay in ay horumariso qaybta konteenarada ee dekadda Doraleh , waxaana dhowr jeer la isla tegay maxkamado dhexdhexaad ah oo ku kala yaal Ingiriiska iyo Mareykanka.

Dekeddan waxaa la furay sanadkii 2009-kii, iyada oo qaadi kartaa 1.6 milyan oo tan sanadkii, waxaana lagu tiraya isha uu dakhliga ugu badan kasoo galo Jabuuti.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here