Thursday, September 19, 2024

Daynta cusub ee Itoobiya loo ogolaaday ma badbaadin doonta dhaqaalaheeda?

Addis Ababa (Dawan)- Guddiga fulinta ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay in Itoobiya la siiyo lacag dayn ah oo dhan 3.4 bilyan oo doolar, taas oo qayb ka ah dayn dheeraad oo ay Itoobiya horay u dalbatay si ay dib u habeyn ugu samayso dhaqaala xumada iyo dhibaatada maaliyadeed ee haysata.

Daynta ayaa Itoobiya loo siin doona qayb qayb, iyada oo marka ugu horeysa gacanta loo gelin doono lacag dhan 1 bilyan oo dollar.

War-saxaafadeed kasoo baxay IMF ayaa lagu sheegay in dayntan cusub looga gol leeyahay in Itoobiya laga taageero fulinta barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha, si wax looga qabto dheelitir la’aanta dhanka dhaqaalaha iyo kobaca horumarka ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka, Kristalina Georgieva ayaa tiri; “Ogolaanshaha dayntan waxay marqaati u tahay sida ay Itoobiya uga go’an tahay dib-u-habaynta xoogan ee dhanka maaliyadda iyo ganacsiga. IMF waxay ku faraxsantahay inay taageerto dadaalladan iyada oo ujeedadu tahay in Itoobiya la gaarsiiyo horumar dhaqaale xasiloon oo ay u wada dhanyihiin dhammaan dadka Itoobiya”.

Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa rajo wayn ka qaba inuu dayn gaareysa 10.5 bilyan oo doollar ka helo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, laakiin waxaa jira caqabado badan oo dhanka wada-xaajoodyadka ah.

Fulinta shuruudaha IMF

Bangiga Dhexe ee Itoobiya ayaa Isniintii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in la joojiyay xayiraadihii saarna suuqa sarrifka lacagaha qalaad, taasoo ah tillaabo lagu fulinayo shuruudaha IMF ee helidda amaah maalgelin ah.

“Bangiyada iyo ganacsatada waxaa hadda ka dib loo ogol yahay inay sameeyaan sarrifka lacagaha qalaad, iyaga oo si xor ah ula gorgortama macaamiisha” ayaa lagu yiri; qoraal kasoo baxay Bankiga Dhexe ee Itoobiya

Itoobiya ayaa ku guul darraysatay inay iska bixiso daymihii lagu lahaa oo lagu ballansanaa bishii December, kadib lacag la’aan iyo sicir barar ay sababeen dagaalladii iyo abaarihii ka jiray dalkaas sanadihii lasoo dhaafay.

Xeel-dheerayaasha dhaqaalaha ayaa ku doodaya in Itoobiya lagu qasbay inay fasaxdo sarrifka lacaga qalaad si ay caalamka uga hesho maalgelin dayn ah, waxeyna intaas ku darayaan inay jiri karaan shuruudo kale oo u ogolaanaya IMF inay maamusho dhaqaalaha dalka Itoobiya.

Dalka Itoobiya waxaa ka dhacay labadi sano ee lasoo dhaafay dagaal lagu hoobtay oo ku sallaysan loollanka qowmiyadaha dalkaas wada dega, waxaana usii dheer saamaynta uu cudurkii Cobid19 ku yeeshay dhaqaalaha dalkaas. Daynta dibadda ee lagu leeyahay Itoobiya waxay kor u dhaafeysa hadda 28 bilyan oo dollar.

Abiy iyo ballanqaadkiisi wax ka qabashada dhaqaalaha

Markii uu xukunka la wareegay 2018, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxa uu ballan qaaday in uu isbedel ku samayn doono dhaqaalaha Itoobiya oo ahaa mid u xirnaa dowladdda balse gaabis ayaa ku yimid inuu ka mira dhaliyo ballanqaadkiisi.

War qoraal ah oo uu soo saaray Axaddii lasoo dhaafay waxa uu Abiy ku sheegay in ajendaha cusub ee dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya uu samayn ku yeelan doono kobaca dhaqaale, iyada oo la xoojinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay si loo abuuro fursado shaqo.

In ka badan 21 milyan oo qof, oo ka dhigan qiyaastii 18% dadweynaha Itoobiya, ayaa ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo ee ka yimaada beesha caalamka, waxeyna dadkaas wajahayan dhibaatooyin isagu jira colaad, iyo masiibooyinka cimilada sida fatahaadaha ama abaaraha, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here