Thursday, September 19, 2024

Ganacsiga Bahir Dar oo dib loo furay kadib dhowr maalin oo shaqo joojin ah

Addis Ababa (Dawan)- Magaalada Bahir Dar ee xarunta Gobolka Amxaarada ayaa si caadi ah ku soo laabatay kadib shaqo joojin soo billaabatay maalintii Jimcaha taasoo sababtay inay joogsadeen ganacsigii magaalada iyo adeegyadii gaadiidka.

Goobjooge ku sugan magaalada Bahir Dar, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa mid ka mid ah warabaahinta dalkaas u sheegay in maqribnimadii Axadda ay ka dhacday magaalada israsaaseyn isweydaarsi ah, inkasta oo dhaqdhaqaaqyadii magaalada dib u billoowdeen maanta oo Isniin ah.

Dukaamo kooban ayaa subaxdii furnaa, gawaarida qaarna waxay billaabeen shaqadooda inkasta oo duhurkii ay dib usoo noqdeen inta badan ganacsiyadii magaalada

Ganacsatada magaalada Bahir Dar ayaa sameeyay shaqo joojin iyaga oo ka cabanaya nabadgelya xumada kusii badaneysa magaalada iyo guud ahaan gobolka Amxaarada.

Magaalada Bahir Dar waxaa ka dhacay todobaadkii hore dhowr qarax gaar ahaan Kebele 4, Kebele 14, iyo Abay Mado, waxaana ciidamada amaanku xireen laba qof oo lala xiriirinayo qaraxayadaas.

Xafiiska Nabada iyo Amniga ee Gobolka Amxaarada ayaa warbixin kooban oo uu soo saaray ku sheegay in koox lagu magacaabo “Gojjam Fano.” ay ku baaqday shaqa joojinta oo hirgashay maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Ciidamada isku dhafka ah ee amniga, hoggaanka magaalada iyo hay’adaha ay khusayso ayaa shir ka yeeshay xaaladda amni ee magaalada, waxaana la isla gartay in la sameeyo diyaar garow ku filan si loo xaqiijiyo ammaanka magaalada iyo badqabka dadwaynaha.

Maamulka magaalada ayaa ugu baaqay dadwaynaha inaysan dheg jalaq usiinin wararka been abuurka marin habaabinta ah ee lagu faafiyo baraha bulshada kuwaas oo la doonayo in lagu cabsi geliyo dadka, gaar ahaan ganacsatada.

Tan iyo markii ay cirka isku sii shareertay colaada u dhaxaysa ciidamada dowladda iyo Jabhadda Fano ee gobolka Amxaarada waxaa magaalooyinka waaweyn ee gobolka ka dhacay rabshado iyo iska horimaadyo ay ku dhinteen dad tira badan kuwa kalena ay ku barakaceen.

Magaalada Bahir Dar waxay rabshaduhu soo ifbaxeen bishii February 2024 ka dib iska horimaadyo dhexmaray ciidamada ammaanka dowladda iyo dagaalyahano ka tirsan jabhadda Fano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here