Thursday, September 19, 2024

Natiijada Imtixaanka fasalka 12-aad oo la shaaciyay

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad ee Dugsiga Sare.

33,668 arday ayaa ku baasay imtixaanka, iyada oo ku dhaceen arday gaareysa 2,366. Tirada guud ee imtixaanka u fadhiisatay ay ahayd 36,034 arday kuwaas oo ka kala socday 803 Dugsi oo ku kala yaal Banaadir, Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Khaatumo.

Sida ay Wasaaraddu sheegtay 139 xarumood oo ku kala yaal 36 Degmo ayaa lagu galay imtixaanaaadka dugsiga sare ee sannadka 2023-2024

Waxaa natiijadooda la baabi’yay 2,905 arday kadib markii lagu helay falal la xiriira qish.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in 2870 shaqaale ah oo isugu jira kormeerayaal iyo Macallimiin in ay ka qayb qaateen ilaalinta Imtixaanka, iyada oo amniga ay sugeen ciidan Boliis ah oo tiradoodu dhameed 2176 kuwaas oo isagu jiray Saraakiil iyo Askar.

10- ka arday ee ugu sarreysa natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad

Ceel-dheer oo ka tirsan Gobolka Galgaduud iyo magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa kamid ahaa magaalooyinka sannadkan kusoo biiray ka qayn galka imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Dalka.

Maamulka Khaatumo, waxaa imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare u fadhiistay arday gaareysay 1154 arday oo ka kala socotay 17 Dugsi.

Waxaa xusid mudan in Dowlad Goboleedka Puntland ay si gooni u qabsatay imtixaanaadka Dusgiga Sare oo ay sannadkan u fadhiisteen ilaa 6,415 arday. Sidoo kale Somaliland ayaa iyaduna had iyo jeer si ka madax bannaan Soomaaliya u maamusha arrimaha waxbarashada ee deegaanadeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here