Thursday, September 19, 2024

Waa kuma diblomaasiga Masaariga ah ee Soomaaliya ka tacsiyeysay?

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Jamhuuriyadda Masar kadib geeridii ku timid wasiirkeedi hore ee arrimaha dibadda sidoo kalena soo noqday xoghayihii ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-carabi .

Wasaaraddu waxay war-saxaafadeed ku tiri: “Annagoo si weyn ugu qanacsan qadarka Alle waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Danjire Nabil Al-carabi , wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Masar, ahaana xoghayihii guud ee ururka Jaamacadda Carabta , oo Isniintii, August 26, ku geeriyooday Qaahira.”

Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu tacsiyeysay qoyskiisa, Shacabka iyo dowladda Masar, waxeyna Ilaah uga bariday inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waa kuma Nabiil Al-carabi?

Al-carabi waxa uu dhashay sannadkii 1935-kii, isaga oo ka qalin jabiyay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Qaahira, ka dibna waxa uu shahaadada Master-ka ka qaatay sharciga caalamiga ah. Shaaadada PHD-na waxa uu ku qaatay kulliyadda sharciga ee jaamacadda New York.

Waxa uu safiir kasoo noqday Hindiya, isaga oo sidoo kale noqday Wakiilka Joogtada ah ee Masar u fadhiyay Qaramada Midoobay ee Geneva intii u dhaxaysay 1987 iyo 1991 iyo New York intii u dhaxaysay 1991 iyo 1999.

Waxa uu garsoore ka soo noqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2006.

Wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Caalamiga ah intii u dhaxeysay 1994 ilaa 2001.

Waxa uu noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar bishii March 2011-kii.

Waxaa loo doortay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta bishii May ee sanadkii 2011 , isaga oo xilkaas hayay illaa 2016-kii.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here