Wednesday, September 25, 2024

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis la xiriira sirdoonka

Ankara (Dawan)- Xarunta Warbixinadda Maaliyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee Turkiga ayaa Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham wada shaqeyn dhex mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal.

Ujeedada Heshiiska

Heshiiskan ayaa looga gol- leeyahay adkeeynta xiriirka saaxibtinimo iyo wada shaqeynta labada dowladood iyo in ay iska kaashadaan ka-hortaga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgalinta argagixisada

Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal, ayaa iska kaashandoona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, uruurinta, hormarinta, falanqeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal.

Sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsandoona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

Heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay warbaahinta dowladda.

War-saxaafadeedku waxa uu intaas ku daray, in labada hay’addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doonan macluumaadka iyo xogaha iyada oo la raacayo mabaadi’da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya Hay’adaha Sirdoonka Maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga warbixinadda dhaq-dhaqaaqyada shakiyada laga shaki qabo iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed, iyada oo loo hogaansamaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (XWM) iyo hay’adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuudriyadda Turkiga ayaa dhisidoona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay’addaha sirdoon ee labada dal.

war-saxaafadeedka waxaa lagu soo gabagabeeyay in heshiiskan uu muhiim u yahay ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada iyo sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.

Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed , agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo. Aamina Max’ed Cali iyo Agaasimaha hay’adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Xasan Keymak

Inta laga warqabo waa heshiiskii afaraad ee ay wada galaan labada dal muddo ka yar sanad, iyaga oo horaantii sanadka kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga difaaca, garsoorka iyo shidaal qodista.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here