Sunday, September 29, 2024

Jabuuti iyo WHO oo iska kaashanaya la dagaalanka Maandooriyaha

Jabuuti (Dawan)- Si loo yareeyo waxyeellooyinka caafimaad ee ka dhasha isticmaalka maandooriyaha, Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa qabatay aqoon kororsi ku saabsan istiraatiijiyadda qaranka ee la dagaallanka cudurrada ka dhasha maandooriyaha, gaar ahaan tubaakada. Dadaalkan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo socon doona intuu u dhexeeyo 2024 ilaa 2028.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaalkan, iyadoo kulanka lagu soo bandhigay qorshayaal iyo tallaabooyin lagu wajahayo khatarta caafimaad ee ay tubaakadu leedahay. Wasiirka Caafimaadka Jabuuti ayaa xusay in dadaallada ka hortagga waxyeellooyinka tubaakada iyo maandooriyaha ay bilowdeen sanadkii 2007, iyadoo qorshuhu yahay in la yareeyo xanuunnada halista ah ee ka dhasha isticmaalka tubaakada.

Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Jabuuti ayaa tilmaantay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay ka mid tahay waddamada guulo wax ku ool ah ka gaaray yareynta isticmaalka tubaakada. Tani waa qayb ka mid ah dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu yareeyo dhimashada la xiriirta isticmaalka maandooriyaha, iyadoo dunida oo dhan malaayiin qof ay sanad walba u geeriyoodaan maandooriyaha.

Daraasad ay soo bandhigtay Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa tilmaameysa in gudaha dalka Jabuuti, sanadkii ilaa 549 qof ay u geeriyoodaan xanuunnada ka dhasha isticmaalka maandooriyaha, taasoo muujinaysa baahida loo qabo in la qaado tallaabooyinka lagu yareynayo halista caafimaad ee ay tubaakadu leedahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here