Saturday, October 5, 2024

Hoos u dhac ku yimid carruurta Tigray ee waxbarashada gasha

Addis Ababa (Dawan)- Waxaa hoos u dhac wayn ku yimid is-diiwaangelinta ardayda gobolka Tigray-ga si ay u aadaan goobaha waxbarasahada taas oo lagu sababeey saamaynta colaaddii ka jirtay deegaanada gobolkaas sanadihii lasoo dhaafay.

Sannad dusgiyeedkan waxaa is diiwaan geliyay wax ka yar hal milyan oo arday, iyada oo ay gobolka ku noolyihiin in ka badan 2.4 milyan oo arday oo gaaray da’da waxbarashada ama xaq u leh inay helaan adeeg waxbarasho.

” Marka aad si dhow u eegto heerka is diiwaangelinta, waxaada arkaysa in ka yar 20% inay is qoreen” Agaasimaha Xafiiska Waxbarashada Tigray, Seyoum Hagos ayaa sidaas u sheegy wargeyska Addis Standard.

Agaasimuhu waxa uu sababta koowaad ee dhibaatada waxbarasho ee Tigray-ga ku sheegay in in ka badan 106 dugsi oo gobolka ku yaal ay hadda hoy u yihiin dadka gudaha ku barokacay.

Marka laga soo tago caqabadaha ay keeneen kaabayaal la’aanta, Xafiiska Waxbarashada Tigray wuxuu sidoo kale wajahayaa dhibaatooyin xagga maaraynta dugsiyada, waxaana jira in ka badan 500 oo dugsi oo aysan maamulin ama ku yaal deegaanada ay maamulaan xoogaga kasoo horjeeda dowladda.

Seyoum waxa uu xusay in dugsiyadan ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Amxaarada iyo Eretria.

Sidoo kale, waxaa hoos u dhacay tirada Macallimiinta ka howlgasha gobolka oo 46,598 ahayd sanadkii 2020 balse hadda ah 32,000.

Qaar badan oo ka mid ah Macallimiinta ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka, qaar kalena waxay la baxsadeen naftooda.

In ka badan 2,470 xarumood oo waxbarasho ayaa saamayn culus kasoo gaartay dagaalka.

In ka badan 550 dugsi oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa weli loo isticmaalayaa xeryo ciidan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan waxbarashada gobolkaas

Maamulka gobolka ayaa wajahaya caqabado ku aadan in si buuxda dib loogu soo celiyo hanaankii waxbarashada iyada oo gobolku uu halgan ugu jiro sidii uu uga soo kaban lahaa saamayntii uu ku yeeshay dagaalkii u dhaxeeyay Jabhadda Tigray iyo ciidamada federaalka, kaas oo socday muddo laba sano ah.

Dagaalkaas waxaa ku nafwaayay boqollaal kun, malaayiinna way ku barakiciyeen tan iyo bishii Nofembar 2020, inkasta uu joogsaday ka dib markii ay labada dhinac heshiis ku kala saxiixdeen magaalooyiinka Pretoria iyo Nairobi bishii Nofembar 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here