Tuesday, October 22, 2024

Biixi oo soo saaray go’aano la xiriira hannaanka doorashooyiinka

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay soo saaray saddex wareegto oo la xiriira hannaanka ololaha doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13-ka November 2024. Wareegtooyinka ayaa diiradda lagu saaray dhowrista sinnaanta xisbiyada iyo ururrada siyaasadda, mamnuucidda adeegsiga hantida danta guud ee Qaranka, iyo sugidda amniga ololaha iyo doorashooyinka.

Wareegtada ugu horreysa ayaa si toos ah ugu socotay Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo la farayo in Xisbiyada Qaranka iyo ururrada siyaasadda ay u sinnaadaan isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo fagaarayaasha ololaha. Muuse Biixi ayaa sheegay in muddada ololaha doorashooyinka, dhammaan dhinacyadu helaan sinaan dhanka baahinta wararka iyo helitaanka goobaha ololaha, iyadoo la sugi doono amniga shacabka iyo masuuliyiinta siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa wareegtada labaad ku mamnuucay in hantida danta guud ee Qaranka loo adeegsado ololaha doorashooyinka, isagoo cuskanaya Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha. Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay reebban in shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada Qalabka-sida ay ku lug yeeshaan ololaha doorashooyinka. Muuse Biixi ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku xad-gudubta awaamiirtaas.

Wareegtada saddexaad ayaa u ku socotay dhammaan hay’adaha Dawladda iyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida, iyada oo lagu farayo in ay gacan buuxda ku siiyaan Komishanka Doorashooyinka hawlahooda la xiriira sugidda amniga iyo qabsoomidda doorashooyinka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ciidammada ayaa lagu wargeliyay inay si dhow ula shaqeeyaan Komishanka, si loo xaqiijiyo amniga muddada ololaha iyo maalinta doorashada.

Mudada rasmiga ah ee ololaha doorashada madaxtooyada iyo xisbiyada ayaa bilaabmaysa maanta oo ku beegan 19-ka bishaan October , waxayna socon doontaa ilaa 10-ka bisha November.

Doorashada ayaa loo dareeri doona subaxnimada 13-ka bisha November, waxaana  natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono isla bishaas 20-keeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here