Saturday, October 26, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa maanta ansixiyay xiisaabxirka miisaaniyadda sanadkii 2023, waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan ,sedax xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Hargeysa

Urur siyaasadeedka Shacabka oo hiigsanaya inuu noqodo Xisbi ayaa maanta kusoo bandhigay magaalooyiinka kala duwan ee Somaliland awoodiisa iyo taageerayaasha uu haysto, iyada oo lagu jiro maalintii siddeedaad ee ololaha doorashada.

Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa maanta furay Kalfadhiga 55-aad ee golaha wakiillada

Muqdisho

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adda UNHCR, ayaa maanta diiwaangalin rasmi ah u sameysay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dhowaan laga soo celiyay xabsiyada Liibiya

Ghana

Dowladaha loo yaqaano Barwaaqo-sooranka ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ghana, Shirley Ayorkor Botchwey u doortay in ay noqoto xoghayaha guud ee ururkaas oo ka kooban 56 dal oo hoos taga Boqortooyada Britain.

Suudaan

Kooxda RSF ee dagaalka kula jirta dowladda Suudaan ayaa lagu eedeeyay in dishay ugu yaraan 50 qof sidoo kalena ay dhaawacday 200 oo qof kadib markii ay weerar ku qaaday tuulooyin ka tirsan gobolka Al-Jaziira ee bartamaha Suudaan.

Namibia

Namibia waxaa 27-ka bisha November ka dhici doonta doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalkaas.

Zimbabwe

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, iyo Urur goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ayaa Jimcihii ku baaqay in si shuruud la’aan ah looga qaado dhammaan cunaqabateynta lagu soo rogay dalka Zimbabwe.

Japan

Laba toddobaad oo olole doorasho ah ayaa dhamaaday dalka Japan iyada oo in ka badan 105 milyan oo qof ay isku diyaarinayaan inay Axadda soo doortaan xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka dalkaas.

Filibiin

Hawlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta dadkii ku wax yeeloobay duufaanta ku dhufatay dalka Filibiin, ayaa weli socota, iyada oo ay dhinteen tobanaan qof.

Koonfurta Suudaan

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 1.3 milyan oo qof ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay Koonfurta Suudaan, waxaana hadda jirta cabsi laga qabo in cudurro ka dillaacan dalkaas.

Masar

Maxamed Axmed Al Yamaaxi, oo kasoo jeeda Imaaraadka Carabta, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, inta lagu guda jiro kalfadhiga hab-raaca Baarlamaanka Carabta oo maanta ka dhacay Xarunta Xoghaynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here