Muqdisho (Dawan)- War-saxaafadeed ay ku mideysanyihiin siyaasiyiinta kala ah madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si cad loogu diiday go’aanka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan muddeynta doorashooyinka dowlad goboleeyada ee laga dhigay dhamaadka sanadka 2025
Tillaabadaan ayay ku tilmaameen mid baalmarasan dastuurka dalka, taas oo keeni karta in dalku galo qalqal siyaasadeed iyo xasilooni darro.
Seddexda siyaasi waxay ugu baaqeen Baarlamaanka Soomaaliya inaysan xalaalaynin sharciyo ka hor imaanaya dastuurka dalka kalan dhantaalaya midnimada dalka.
Halkaan ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhamaystiran