Friday, November 22, 2024

Mareykanka iyo QM oo kawada hadlay xaaladda dalal ay ka mid tahay Soomaaliya

Ney York (Dawan)- Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa kawada hadlay arrimaha ka taagan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga iyo bini aadanimada.

Labada dhinac waxay wadahadalkooda diiradda ku saareen sidii maalgelin loogu heli lahaa howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa lagu wadaa inuu shaqa billaabo horaanta sannadka 2025, waxa uuna bedeli doona howlgalka waqtigiisu gabagabada yahay ee ATMIS.

Wadahadalkan ayaa imaanaya kadib markii uu Golaha Amaanku meelmariyay dhmaadkii October qaraarka Howlgalka cusub ee Kaalmada Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Waajibaadka howlgalka UNTMIS ayaa billaawday 1-dii bishaan November, waxaana la filayaa in howlihiisa lasoo gabagabeeyo 31ka October, 2026.

Blinken iyo Guterres waxay sidoo kale kawada hadleen xaaladda dalaka Yemen iyo Haiti oo ay ka jiraan qalalaaso amni xumo iyo xaalado bini aadaninmo oo halis ah.

Waxay hoosta ka xariiqeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in lasii daayo shaqaaalaha Qaramada Midoobay ee ku jira gacanta kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Blinken waxa ugu dambeyntii ku bogaadiyay Xoghayaha Guud dadaalladdiisa ku aadan wax ka qabashada dhibaatooyinka halista ah ee ka taagan meel badan oo ka mid ah dunida gaar ahaan arrimaha bini aadanimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here