Thursday, October 24, 2024

Kenya oo kordhineysa ciidamadeeda Difaaca

Nairobi (Dawan)- Qorista dhallinyarada ku biireysa ciidamada difaaca  Kenya ayaa ka billabatay guud ahaan dallka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada.

Waxaa la arkaayay kumanaan dhalinyaro Kenyaan ah oo  safaf dhaadheer ugu jira   xarumaha la iska diiwaan geliyo si ay ugu biiraan ciidamada Difaaca.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa qeylo dhaan ka muujiyay sida ay wasaaraadda Gaashaandhiggu u qoratay ciidamada sannadihii lasoo dhaafay, iyaga oo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo wax is daba marin.

Wasaaraadda Gaashaandhigga Kenya ayaa hore ugu digatay muwaadiniinta inay laaluush ku bixiyaan is diiwaan gelinta, waxeyna la wadaagtay numberada sida tooska ah loola xiriiri karo si looga fogaado laaluushka.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay sida ay wasaaradda uga go’an tahay in la qabto hanaan shaqaaleysiin ciidan ah oo hufan.

Wasiirka ayaa ka digay dallaaliinta ka faa’iideysanaaya dhallinyarada dooneysa inay ku biiraan ciidamada kuwaas oo lacag uga qaadanaaya is diiwaan gelin been abuur ah.

Ducaale ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay aadaan xarumaha ay ka socoto is qorista oo lacag la’aan ah, iskana ilaaliyaan in lacago looga qaato wax been ah iyo qaab aan sax ahayn.

Xuseen Cabdi Barre oo ah xildhibaan laga soo doorto deegaanka Tarbaj ayaa kormeer ku sameeyay  xarumaha ay ka socoto  diiwaan gelinta ciidamada, wuxuuna xaqiijiyay in shaqadu ay u socoto qaabkii loogu tala galay ee caddaaladda iyo hufnaanta.

Dhowr hay’adood  oo ay ku jiraan Guddiga  anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, Booliska, hay’adaha xuquuqul insaanka, iyo sirdoonka qaranka, ayaa ka qayb qaadan doona  la socoshada qaabka loo qoraayo ciidamada si looga fogaado wax is daba marin iyo qof jecleysi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here