Saturday, November 23, 2024

Jabuuti oo 3 qorshe kusoo bandhigtay shirka isbedelka cimilada ee Azerbaijan

Baku (Dawan)- Dowladda Jabuuti oo sanadihii ugu dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii ay uga hortegi lahayd saamaynta isbedelka cimilada ayaa seddex qorshe kusoo bandhigtay shirka ay soo qabanqaabisay Qaramada Midobbaay ee looga hadlayo isbedelka cimilada kana socda dalka Azerbaijan

Qorshaha koowaad ayaa ah soo bandhigidda mashaariicda mudnaanta leh, iyada oo xoogga la saarayo arrimaaha saamaynta ku leh horumarinta dhaqaalaha iyo yoolalka waara sida dekedaha.

Soo jiidashada Maalgashiga Caalamiga ah, ayaa ah qorshaha labaad, waxaana xoogga lagu saaraya muujinta fursadaha maalgashi ee tamarta la cusboonaysiin karo, iyo kaabayaasha si looga mira dhaliyo hiigisga Jabuuti ee ah in la gaaro 100% tamarta la cusboonaysiin karo taas oo gacan ka geysan karta bartilmaameedyada looga hortegayo isbedelka cimilada adduunka.

Xoojinta Iskaashiga Istiraatijiyadeed ayaa ah qodobka seddexaad uguna dambeeya ee ay Jabuuti la tagtay shirka COP29. Qodobkaan ayaa looga jeeda in la kobciyo iskaashiga ay Jabuuti la leedahay hay’adaha caalamiga iyo dowladaha deeqda bixiya si loo taageero horumarinta Jabuuti.

Jabuuti waxay aaminsatahay in shirarka nuucaan ah ay muhiim u yihiin baahiyaha dowladaha Geeska Afrika iyo saamaynta uu ku yeeshay isbedelka cimilada, waxayna soo jeedisay in la helo siyaasad loo dhanyahay oo wax looga qabanayo khataraha isbedelka cimilada.

Shirka COP29 waxa uu socon doona ilaa 22 bishaan November., iyada oo diiradda lagu saarayo dejinta yoolal cusub oo la xiriira maalgelinta iyo taageeridda dadaallada dalalka soo koraya si loo yareeyo saameynta isbedelka cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here