Hargeysa (Dawan)- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, murashaxa xisbiga Waddani, ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha Somaliland , isaga oo helay 407,908 cod oo u dhiganta 63.92 % codadkii la dhiibtay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha komiishanka doorashooyinka, Muuse Xasan Yuusuf.
Cirro wuxuu noqday madaxweynihii 6aad ee Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu tagga sanandkii 1991.
Madaxweynihii xilka hayay ee Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa murashaxa xisbiga Kulmiye, ayaa helay 225,519 cod (34.81%), halka murashaxa xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, uu helay codad ka yar 1%. Doorashadan ayaa sidoo kale keentay in xisbiga UCID, oo ka mid ahaa xisbiyada ugu da’da weyn Somaliland, uu waayo awooddiisii xisbinimo, maadaama uusan helin codad ku filan. Saddexda xisbi ee soo baxay uguna codadka badan waxay kala yihiin Waddani (216,284 cod), Kaah (131,507 cod), iyo Kulmiye (108,100 cod).
Doorashadan ayaa kusoo beegantay xilli ay Somaliland ka taagnaayeen xiisado siyaasadeed iyo dagaallo salka ku haya is qabqabsi beeleed . Waxa sidoo kale gobolka ka jira murankii ka dhashay heshiiskii badda ee aan la dhamaystirin oo uu ka tegay Muuse Biixi Cabdi.
Guusha Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga Waddani waxay muujinaysaa isbeddel siyaasadeed oo weyn, taas oo dad badan ay u arkaan fursad lagu mideyn karo bulshada Somaliland, iyadoo diiradda la saarayo nabadda iyo horumarka.
Somaliland waxay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya bishii May 1991, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Inkastoo aanay weli aqoonsi caalami ah helin, Somaliland waxay samaysatay nidaam dimuquraadi ah, oo ku dhisan xisbiyo siyaasadeed iyo doorashooyin ay dadwaynuhu ku go’aamiyaan hoggaankooda.