Friday, January 3, 2025

Golaha Wasiirrada oo ka shiray Amniga, Isbeddelka Qaranka iyo Canshuurta

Muqdisho (Dawan)- Kulanka todobaadka ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan arrimo kala duwan oo saameyn ku leh amniga, qorshaha isbeddelka qaranka, iyo canshuurta iibka.

Amniga iyo Ciidanka la geeyay Raas-kambooni

Golaha Wasiirrada ayaa la horgeeyay warbixin la xiriirta ciidanka dhawaan ay dowladdu geysay deegaanka Raas-kambooni ee Jubbaland. Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa caddeysay in ciidankaas la geeyey halkaas si ay ula wareegaan amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, iyada oo ay qorshuhu yahay in ciidamadaas ay xaqiijiyaan amniga iyo xasiloonida goobahaas.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029)

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa warbixin ka siisay Golaha horumarka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee 2025-2029, kaas oo muddo sanad ah lagu howlanaa diyaarintiisa. Qorshahan ayaa maraya heer gabo-gebo ah, waxaana la filayaa inuu dhaqan galo sanadka 2025, isagoo beddeli doona Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP-9) ee hadda jira.

Kororka Canshuurta Iibka

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan horumarka canshuurta iibka, taas oo tan iyo markii la bilaabay dhaqangalkeeda ka qeyb qaadatay kororka dakhliga ay dowladdu kasoo xareyso canshuuraha kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here