Sunday, December 22, 2024

Qorshaha murashaxa Jabuuti ee hoggaanka Midowga Africa

Jabuuti (Dawan)- Maxamuud Cali Yuusuf, siyaasiga rug-caddaaga ah oo ka soo shaqeeyay arrimaha diblomaasiyadda tan iyo 2005, waa murashaxa ay Jabuuti ku dooneyso inay ku hoggaamiso Midowga Afrika sanadaha soo socda. Maxamuud waxa uu soo bandhigay aragtidiisa hoggaamineed, isagoo ugu magac daray “Mustaqbalka Ifaaya ee Afrika,” taasoo ka tarjumaysa rajadiisa ah in uu Afrika ku hoggaamiyo mustaqbal wanaagsan.

Barnaamijka siyaasadeed ee Maxamuud Cali Yuusuf

  1. Amniga iyo Maamul Wanaagga: Maxamuud wuxuu diiradda saarayaa horumarinta amniga iyo xoojinta hay’adaha dimuquraadiyadda ee Afrika. Wuxuu aaminsan yahay in la dagaallanka isbeddelada sharci-darrada ah ee xukunka ay muhiim u yihiin ilaalinta nidaamka iyo horumarka.
  2. Xallinta sababaha keena colaadaha: Maxamuud waxa uu ku baaqayaa in wax laga qabto sababaha asaasiga ah ee keena khilaafaadka gudaha Afrika, sida faqri iyo sinnaanta la’aanta, taasoo isagu u arko inay yihiin udub dhexaadka xal u helista xasilinta iyo nabadda qaaraddda.
  3. Horumarinta Dhaqaalaha: Qorshihiisa dhaqaale wuxuu diiradda saarayaa mashaariic istiraatiiji ah sida Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo kobciyo dhaqaalaha iyada oo la abuurayo fursado shaqo oo waara.
  4. La-dagaallanka Isbeddelka Cimilada: Maxamuud wuxuu soo bandhigay aragtidiisa ku saabsan wax ka qabashada isbedlka cimiladda iyo dhibaatada uu u keenaya Africa. Waxa uu soo jeediyay in maalgelin lagu sameeyo tamarta la cusboonaysiin karo iyo in la ilaaliyo deegaanka, isagoo aaminsan in dhaqaalaha cagaaran uu noqon doono furaha mustaqbalka waara.
  5. Awoodsiinta dhallinyarada iyo haweenka: Maxamuud wuxuu xoogga saarayaa dhallinyarada, haweenka, iyo qurbo-joogta, isagoo ka shaqaynaya sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo iyo horumar bulsho oo loo dhan yahay.
  6. Maqaamka Afrika ee Caalamka: Maxamuud wuxuu ku baaqayaa in Afrika ay yeelato doorkeeda hoggaamineed ee go’aamada caalamiga ah, iyadoo la xoojinayo matalaadda hay’adaha caalamiga ah iyo qayb ka noqoshada go’aanada muhiimka ah.

    Maxamuud Cali Yuusuf oo 58 jir ah, waxa uu shaqada dowladda bilaabay ka dib markii uu shahaadada jaamacadeed qaatay, isaga oo u safray dalka Faransiiska si uu sii wato waxbarashadiisa luqadaha ajnabiga ah.

    Waxa uu soo qabtay jagooyin dhawr ah oo heer wasiiro ah, gaar ahaan wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah oo loo magacaabay sannadkii 2001, ka dibna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah May 2005.

    Sannadihii 2008, 2011, 2013, 2016 iyo 2019 ayaa dib loogu cusbooneysiiyay jagada Wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo loogu lamaaniyay inuu noqdo afhayeenka xukuumadda.

    Maxamuud waxa uu tartan doorasho la geli doona bisha February ee 2025 Raila Amolo Odinga oo ka socda Kenya iyo Richard Randriamandrato oo metelaya Madagascar. Mid kasta oo ka mid ah musharaxiintan wuxuu soo bandhigay qorshayaal gaar ah oo ku aaddan amniga, dhaqaalaha, iyo mustaqbalka Afrika.

    Sanadkan, kaltanku waxa uu u gaaryahay murashaxiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana xilka laga soo wareejin doona siyaasiga ruug-caddaaga ah ee u dhashay Chad kaas oo xilka hayay tan iyo sannadkii 2017.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here