Sunday, December 22, 2024

Xassan iyo Abiy oo Ankara ku kulmaya

Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan fool ka fool ah markii ugu horeysay tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo salka ku haya heshiis muran dhaliyay oo Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Kulanka ayaa ka dhici doona magaalada Ankara, halkaas oo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu martigelinayo labada hoggaamiye, si loo soo afjaro xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Erdoğan, oo xiriir dhow la leh labada dhinac, ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaadanaya wadaxaajoodka, si xal loogu helo muranka ku saabsan madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Khilaafka ayaa bilowday 1-dii Janaayo 2024, markii Itoobiya ay la saxiixatay Somaliland heshiis is-afgarad (MoU), kaas oo Itoobiya u oggolaanaya marin dekedeed, Halka uu Somalialnd u horseedi karo aqoonsi buuxa oo ay ka hesho Itoobiya. Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo baal marsan xeerarka caalmaiga kuna xad gudbaya madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Kulanka Ankara ayaa noqonaya isku daygii saddexaad ee dhexdhexaadin ah oo ay Turkiga hormuud ka tahay, kaddib markii labadii wareeg ee hore ay fashilmeen sababo la xiriira mowqifyo adag oo labada dhinac kala qabaan. Dowladda Soomaaliya waxay horay ugu adkeysatay inaysan wax gorgortan ah geli doonin ilaa ay Itoobiya ka laabato heshiiska.

Kulanka fool ka foolka ah ee labada hoggaamiye ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo lagu qiimeynayo inuu noqon karo fursad lagu xalliyo muranka diblomaasiyadeed, loona yareeyo xiisadda ka dhalatay heshiiska muranka dhaliyay.

Beesha caalamka, gaar ahaan dalalka daneeya xasilloonida Geeska Afrika, ayaa si dhow ula socda wada-xaajoodyadan, maaddaama khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya uu saameyn weyn ku leeyahay gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here