Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Qasa
22 Falastiiniyiin dheeraad ah, oo ay ku jiraan lix carruur ah, ayaa Axadii lagu dilay weeraro cirka ah oo Israa’iil ay ka geysatay meelo kala duwan oo ku yaalla Marinka Qaza, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Guud ahaan dhimashada dagaalka Israa’iil ku hayso Marinka Qaza tan iyo sanadkii hore ayaa gaartay ku dhawaad 45,300 oo qof, halka in ka badan 107,600 ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza.
Israa’iil
Wasiirka Iskaashiga Gobolka ee Israa’iil, David Amsalem, ayaa Axaddii ku baaqay in la gaaro heshiis ballaaran oo ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista oo horseedi kara dhammaadka dagaalka Qaza.
Sida laga soo xigtay ilo Israa’iil ah, Tel Aviv waxay dooneysaa heshiis laba marxaladood ah oo ay la gasho Xamaas: marka hore si loo sii daayo haweenka, kuwa dhaawaca ah, iyo maxaabiista waayeelka ah, ka dibna lagu heshiiyo dhammaadka dagaalka iyo in ciidamada Israa’iil laga saaro Qaza.
Yemen
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Axaddii sheegtay inay soo rideen diyaarad dagaal oo nooca F-18 ah oo Mareykanka leeyahay, kadib weerar ay ku qaadeen markab xambaara diyaaradaha oo ku sugan Badda Cas.
Duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ku beegsatay dekedda Al-Hudaydah ee galbeedka Yemen ayaa sababay khasaaro lagu qiyaasay $313 milyan tan iyo bishii Luulyo, sida ay sheegeen kooxda Xuutiyiinta Axaddii.
Liibiya
Xaalad degdeg ah ayaa lagu dhawaaqay magaalooyinka ku yaalla bariga Liibiya, oo ay ku jirto Benghazi, kadib markii roobab culus la filayo inay ka da’aan, taas oo keeni karta daadad iyo fatahaada wabiyada.
Panama
Madaxweynaha Panama, Jose Raul Mulino, ayaa diiday hanjabaadda Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ee ah inuu dib ula wareegi doono Kanaalka Panama haddii aan la dhimin lacagaha lagu qaado maraakiibta Mareykanka.
Mulino ayaa ku tilmaamay hanjabaadda mid aan macquul ahayn, isagoo sheegay in Panama ay xaq u leedahay inay go’aan ka gaarto kharashyada kanaalka iyadoo ku saleysan danaha qarankeeda.
Mozambique
Golaha Dastuurka ee Mozambique ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo saxnimada natiijadii doorashadii madaxtinimada ee muranka dhalisay ee dhacay Oktoobar 9. Dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay la daalaa dhacayay dibadbaxyo tan iyo markii guddiga doorashada uu ku dhawaaqay in Daniel Chapo, musharraxa xisbiga Frelimo ee talada haya, uu ku guuleystay doorashada.