Wednesday, February 5, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Oo Wafdiga Aasiya Kala Hadlay Horumarka Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda wadamada dhaqaalaha iyo bulshada Aasiya, oo ay wehliyaan hay’adaha qaabilsan wadamada Gacanka Carbeed.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada Wadamada Aasiya, ayaa yeeshay kulan ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga wanaagsan ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo hay’adahaasi.

Cabdiqaadir Kaamil wuxuu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee Jabuuti ee la xiriira horumarinta kaabayaasha aasaasiga ah ee dhaqaalaha.

Jabuuti iyo wadamada dhaqaalaha iyo bulshada Aasiya waxaa ka dhexeeya dhowr arrimood oo muhiim ah, gaar ahaan dhinacyada: Ganacsiga, Siyaasadda, Xiriirka gobolka

Sidoo kale, shirkadaha ka socda wadamada Aasiya, gaar ahaan Shiinaha, ayaa xiiseynaya maalgashiga iyo suuqa Jabuuti, iyagoo raadinaya fursado la xiriira:Maraakiibta ganacsiga, Dekedaha iyo adeegyada la xiriira, Xiriirka ganacsiga ee gobolka

Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimada iskaashiga dhanka dhaqaalaha si kor loogu qaado horumarka Jabuuti iyo iskaashiga caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here