Saturday, March 15, 2025

Xoojinta warshadaha dhismaha ee Jabuuti iyo Geeska Afrika

Jabuuti City, JabuutiShirkadda Nalco, oo ah wakiilka rasmiga ah ee shirkadda caalamiga ah ee JCB, ayaa si rasmi ah looga daahfuray Jabuuti, taasoo astaan u ah horumar weyn oo laga gaaray warshadaha dhismaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka.

Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigay doorka Nalco ee kobcinta adeegyada dhismaha, iyada oo si gaar ah u keentay qalab casri ah oo wax ka tari doona baahida mashaariicda waaweyn ee Jabuuti iyo gobolka Geeska Afrika.

Shirkadda Nalco waxay bixisaa noocyo kala duwan oo ah qalabka dhismaha casriga ah, oo ay ka mid yihiin cagaf-cagafyo, mashiinnada qodista dhulka, iyo qalab kale oo culus, kuwaas oo sare u qaadi doona hufnaanta dhismaha ee dalka.

Masuuliyiinta Dowladda iyo Ganacsatada Oo Ka Qaybgalay Xafladda

Munaasabadda daahfurka Nalco waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Shaqada Jabuuti, Cumar Cabdi Saciid, masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda, iyo ganacsato iyo hoggaamiyeyaal ka socda shirkadaha waaweyn ee dalka.

Wakiilka shirkadda Nalco ee Jabuuti oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay:
“Waxaan farxad weyn u haynaa keenista qalabka casriga ah ee JCB, kaasoo si weyn u fududeyn doona hawlaha dhismaha iyo horumarinta dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Ganacsiga oo ka hadlay munaasabadda ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin fursadaha ay shirkaddu u abuuri doonto suuqa dhismaha ee Jabuuti.

Xilligan Cusub ee Horumarka Jabuuti

Jabuuti, oo ah xudunta ganacsiga iyo dekedaha Geeska Afrika, waxay haatan mareysaa xilli ay si xawli ah ugu socoto dhismayaasha waaweyn ee kaabeyaasha dhaqaalaha.

Iyada oo ay Nalco noqotay wakiilka rasmiga ah ee JCB, Jabuuti waxay si fudud u heli doontaa qalab dhisme oo heer caalami ah, taasoo sare u qaadi doonta dhismaha wadooyinka, dekedaha, iyo mashaariicda kale ee waaweyn.

Daahfurka rasmiga ah ee Nalco waxay astaan u tahay in Jabuuti ay cagta saartay waddo horumarineed oo cusub, iyada oo la filayo in mashaariicda dhismaha ee dalka ay helaan xawaare sare iyo tayo dheeraad ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here