Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobay, ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay barnaamij socon doona muddo laba sano ah, kaas oo lagu xoojinayo nidaamyada cunto iyo adkeynta adkeysiga bulshada guud ahaan dalka.
Kuwait
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa maanta la saxiixday heshiis deyn cafin ah oo gaareysa $306.5 Milyan Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta, Fuad M. Al-Turki.
Baidoa
Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Shalay Sagootin u Sameeyey Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliska Ghana ee ka Tageya Soomaaliya
Munaasabad abaalmarin ah oo ka dhacday Baidoa, ayaa Taliyaha Booliska AUSSOM, Hillary Sao Kanu, ku amaanay saraakiishii ciidamada Ghana dadaalkooda iyo howlkarnimadooda muddada sanadkii ay joogeen Soomaaliya.
Garoowe
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u qaaday tallaabadii ugu horreysay ee lagu dhisayo nidaam aqoonsi dadweyne oo u gaar ah, kaddib markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu Arbacadii saxiixay Xeer Madaxweyne oo lagu dhisayo Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).
Soomaaliland
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Talaadadii ka qeyb-galay munaasabad lagu qaramaynayey cutubyo cusub oo ka tirsan Ciidanka Madaniga ah ee deegaanka Tuurka ee Degmada Gar-Adag.
Washington
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta oo Arbaco, taariikhdu tahay 9-ka April, canshuur celis ah oo dhan 104% la saari doono badeecadaha laga soo dhoofiyo Shiinaha. Tallaabadan waxay qeyb ka tahay qorshihii uu horey u shaaciyay ee ku saabsan canshuuraha celiska ah.
Laascaano
Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle, oo markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda ka dhalatay booqashada Xamse Cabdi Barre ku tagi doono magaalada Laas-caano ayaa sheegay in haddii ay shaki ka qabaan amniga deegaanada SSC aysan cidna martiqaadi laheen.
Morocco
Xulka qaranka da’yarta Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga haray tartanka Africa U-17 Cup of Nations kadib guuldarro 2-0 ah oo ay kala kulmeen Senegal kulankii ugu dambeeyay ee Group C, ciyaar ka dhacday habeenkii Isniinta magaalada El Jadida ee dalka Morocco.
Muqdisho
Xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa taageero buuxda u muujiyey bayaanka beesha caalamka ee ku baaqaya in si degdeg ah loo qabto wada-hadal qaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.