Saturday, April 19, 2025
Array

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiiska Dhaafista Dal-ku-Galka

Dawan – Muqdisho, 10 Abriil 2025

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Masar, kaas oo dhigaya in muwaadiniinta labada dal ee wata baasaboorka diblomaasiga laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka. Heshiiskan ayaa oggolaanaya in dadka haysta baasaboorka diblomaasiga ay si xor ah ku galaan una safraan labada dal muddo dhan 90 maalmood gudahood, iyagoo aan u baahnayn dal ku gal.

Heshiiskaan diblomaasiyadeed ayaa horey loogu kala saxiixday magaalada Qaahira bishii Janaayo 2024, ka dib kulan ay madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Masar ay yeesheen, heshiiskaan ayaa ka tarjumayaa xoojinta xiriirka labada dal iyo fududeynta isu socodka rasmiga ah ee masuuliyiinta dowladuhu ay yeeshaan.

Baasaboorka diblomaasiga ah waa nooc ka mid ah baasaboorrada gaar ah ee loo bixiyo saraakiisha sare ee dowladda, diblomaasiyiinta, iyo shaqaalaha safaaradaha iyo qoysaskooda. Waxa uu si gaar ah u leeyahay mudnaan gaar ah marka ay socdaalayaan, waxaana inta badan looga baahneyn fiise marka ay galayaan dalal saaxiib ah.

Ansixinta heshiiskan ayaa loo arkaa mid horumarinaya xiriirka Masar iyo Soomaaliya, kana tarjumaya kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashi diblomaasiyadeed ee sii xoogeysanaysa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here