Ciidamada Amaanka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Doon Ku socotay Dalka Yemen, War qoraal ah, oo uu baahiyay shalay taliska Taliska Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay ,in doontaasi lagu qabtay aaga deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari.
Doontaan waxaa lasocday dad isugu jiray Soomaali iyo ajaanib , oo ay caruur yaryar kujiraan, sida uu sheegay taliska Ciribtirka Argagixisada Puntland.
Shidaalka oo ka go’ay ayaa sabab u ahaa, in ciidamadu ay gacanta ku dhigaan doontaan iyo dadkii la socday, kuwaas oo ugu danbeen laxiray dhamaantood.
“Baaritaan ayaa ka socda doon u soctay Yemen, oo ay ciidamada amniga ku qabteen agagaarka Bacaad ee gobolka Bari ka dib markii uu dhamaaday shidaalkii” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Ciribtirka Argagixisada Puntland.
Ciidamada amaanka Puntland ayaa ugu danbeen sidoo kale sheegay in baaritaan dheeri ah uu ku socdo doonidaan kusii jeeday dalka Yemen.