Wednesday, May 28, 2025

Daahfurka Mashruuca Isdhexgalka Dhaqaale ee Geeska Afrika

Jabuuti — Wasiirka Gaadiidka jabuutu, Xasan Xuumad Ibraahim, ayaa 26 May 2025 si rasmi ah u daahfuray mashruuc cusub oo lagu horumarinayo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika, kaasoo cinwaankiisu yahay “Horumarinta Isdhexgalka Dhaqaalaha Goboleed ee Geeska Afrika iyada oo loo marayo Waddada Jabuuti”

Mashruucan oo ay  ku maalgelinayso Midowga Yurub dhaqaale dhan €32 milyan, ayaa waxaa hirgelinaya hay’add TradeMark Africa, wuxuuna qayb ka yahay Hindisaha Geeska Afrika.

Ujeedada mashruucu waa in la hormariyo waxtarka iyo waaritaanka wadadooyinka muhiimka ah ee isku xira Jabuuti iyo Itoobiya.

aqoon-is-weydaarsi  ku saabsan hirgelinta qorshahaan ayaa  diiradda lagu saarayay baahiyaha kaabayaasha ee xuduudaha Galafi iyo PK51, waxaa la isku raacay in la sameeyo daraasado farsamo oo lagu ogaanayo baahiyaha muhiimka ah ee lagu horumarinayo  xuduudahaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in xadka Galafi uu yahay mid istiraatiji ah oo muhiim u ah kala gudbida badeecadaha u kala goosha Jabuuti iyo Itoobiya, balse wali uusan haysan kaabayaal  dhismo   oo ku filan si loo xaqiijiyo nidaam ammaan ah  oo fududaynaya socdaalka dadka, gaadiidka iyo badeecadaha.

 “Waddada Galafi oo haatan maraysa marxaladdii ugu dambeysay ee dib-u-habeynta, waxay dhowaan arki doontaa taraafik sareysa taasoo dib usoo nooleyn doonta doorkeeda ah waddo ganacsiyeed muhiim ah oo Itoobiya la leedahay.”

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in kor u qaadista tartanka marinnada taraafikada aysan ku koobneyn hagaajinta wadooyinka iyo dhimista kharashaadka gaadiidka, balse ay muhiim tahay in la helo xarumo casri ah oo xuduudeed iyo habraacyo fudud oo isku xiran.

Mashruucan cusub waxa uu qeyb weyn ka yahay qorshaha himilada dowladda Jabuuti ee 2035, kaas oo lagu doonayo in Jabuuti laga dhigo xarunta saadka ee ugu weyn Geeska Afrika iyo marin ganacsiyeed oo heer goboleed ah

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here