Friday, August 8, 2025
Array

Jubbaland oo Madaxweyne Xasan ku Eedeysay Hurinta Colaadda Gedo

Kismaayo (Dawan ) – Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu mas’uul ka yahay hurinta colaadaha ka taagan gobolka Gedo.

Qoraal laga soo saaray kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubbaland, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa lagu sheegay in Taliska Madaxweynaha Federaalka uu ku hawlan yahay qorsheyaal lagu sii hurinayo xiisadaha gobolkaas.

“Shirkan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda gobolka Gedo iyo qulqulatooyinka sii kordhaya ee ay hurinayaan Taliska Xasan Sheekh, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in colaado daba dheeraada laga abuuro Gedo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubbaland.

Dhanka kale, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa 6-da Agoosto soo saartay war rasmi ah oo ay si kulul ugu eedeysay mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland,Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in ay ku hawlan yihiin kicin colaadeed iyo faafinta warar marin habaabin ah oo lagu daboolayo dambiyo dhacay.

Isweydaarsiga eedeymaha labada dhinac ayaa muujinaya sii xumaanshaha khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, kaas oo salka ku haya arrimaha maamulka gobolka Gedo.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa taabacsan Jubbaland, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here