Washington (Dawan)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu u fidanayo gargaar bini aadantinimo dadka Liibiya ee waxyeelladu kaso gaartay Daadadkii dalkaas ku dhuftay ee galaaftay nolosha kumanaan qof.
Biden ayaa sheegay in ay qorsheyeen in Liibiya la siiyo lacag gaareysa 11 milyan oo dollar
“Dowladda Maraykanku waxey siineysa hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini aadantinimada ee Liibiya ku sugan 11 milyan oo dollar si garab istaag loogu muujiyo dadka Liibiya ee dadaalka ugu jira sidii ay uga soo kaban lahaayeen dhibaatadii kasoo gaartay Daadadka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in Wasaaradda Arrimaha Dibbadda iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanku ay gacan ka geysan doonaan isku dubaridka gaarsiinta gargaarka dadka aadka ugu baahan.
Dowladda Maraykanka ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto garab istaagga iyo taageeridda dadka Liibiya oo ku jira xaalad aad u adag, xilligaan la joogo.
Maraykanka ayaa sidoo kale ka hadlay dib u dhiska dowladnimada Liibiya, isaga oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dariiq toosan loo jeexo siyaasadda Liibiya si loo helo dowlad ka jawaabi karta dhibaatada dadka Liibiya.
Dowladda Liibiya ayaa shaacisay in ay soo gaartay dhibaato lagu qiyaasay ku dhawaaad 70% kaabayaalka dhaqaalaha bariga dalka Liibiya.
10-kii Sebtembar, Duufaanta lagu magacaabo Daniel ayaa ku dhufatay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla bariga Liibiya, taas oo sababtay burbur xooggan oo soo gaaray magaalada Derna.
Duufaanta iyo daadadka ka dhashay ayaa sidoo kale sababay dhimashada 11,470, halka la la’yahay dad gaaraya 10,100 qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad 40,000, sida lagu sheegay warbixin kaoo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha bini aadantinimada.