Jigjiga (Dawan)- Masuuliyiinta ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa daah-furay mashruucyo biyo iyo koronto ah oo laga hirgeliyay degmooyinka Dhagax-Madow iyo Bilcilbuur oo ka tirsan gobolka Jarar kuwaas oo la filayo in ay kor u qaadaan kobaca dhaqaalaha iyo nolosha bulshada halkaas ku dhaqan.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, Xuseen Xaashi, ayaa sheegay in 102 Milyan oo lacabta Itoobiya ah ay ku baxday labada mashruuc , wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inay qorshaynayaan in ay furaan mashaariic kale oo muhiim u ah dadka deegaanka.
Bulshada ku dhaqan labadaas degmo ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaystirka mashaariicdan, waxayna uga mahadceliyeen maamulka gobolka oo qayb wayn ka qaatay hirgelinta adeegyada aasaasiga ah.
Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen mashruucyadan waxa ka faa’iidaysan doona ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ka kooban 500,000 qoys kuwaas oo isagu jira xoolo-dhaqato iyo beeralay, waxaana la filaya inay ka dabooli doonaan dhibkii lagu qabay korontada iyo helidda biya nadiif ah.
Dhawaan Hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID ayaa shaaca ka qaaday in ay lacag dhan 10 milyan oo dollar ku bixinayso nidaamka biyo-gelinta Dowlad Deegaanka Soomaalida si wax looga qabto abaaraha kusoo noqnoqda Deegaanka.