Friday, October 18, 2024

A S oo lix qof oo Kenyan ah ku dishay magaalada Dhoobley

Dhoobley (Dawan)- Ugu yaraan lix qof oo Kenyan ah ayaa lagu dilay weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaaday magaalada Dhoobley ee xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, subaxnimadii maanta oo Jimca ah.

Lixda qof ee la dilay ayaa dhamaantood ahaa ganacsato Kenyaan ah oo ka ganacsan jiray inta u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Kenya.

Waxaa jira qof kale oo looga tagay dhaawac halis ah, sida laga soo xigtay Boliiska Kenya, waxeyna saraakiishu sheegeen in ay rumeysan yihiin in dadka la dilay loo beegsaday sababo la xiriira diintooda, iyada oo lagu eedeeyay in ay diinta Kiristaanka ku faafiyeen deegaanka.

Lixda qof ee la dilay ayaa kasoo kala jeeda deegaanada Kenya ee Tigania West, Akithii iyo Athwana

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegeen in dagaalyahanadooda ay dileen lix qof oo Kenyan ah, mid kalena ay ku dhaawaceen qarax qorsheysan oo maanta ka dhacay magaalada Dhoobley.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geysatay xuduudka aya wadaagaan labada dal iyo gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka xeebta ah ee Lamu iyo gobolka Waqooyi-Bari.

Weeraradaan soo noqnoqday ayaa sababay in dowladda Kenya ay hakiso qorshaha lagu furayo xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ah (ATMIS) ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kaalin weyn ka qaata dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-shabaab.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa todobaadyo kadib markii howlgal ka dhacay deegaanka Fafi ee ismaamulka Gaarisa lagu dilay shan qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Boliiska ayaa sheegay in afar kale lagu soo qabtay howlgalka, xilli ay kusii jeedeen Faafi si ay ugu dhuumaaleystaan, iyada oo sidoo kale gacanta lagu dhigay hub isagu jira labo qori oo PKM ah, hal RPM, lix qori oo AK47 ah iyo walxaha qarxa. .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here