Monday, September 16, 2024

Abaal-marino lacageed oo la guddoonsiiyay tartamayaalka Quraanka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada, waxa uu abaal-marino lacageed guddoonsiiyay 7-da tartame ee galay kaalmaha ugu horeeeya tartanka Quraanka Kariimka ee la qabanayo sannadki labaad oo xiriira.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xifdinta Quraanka Kariimka ee dhallinyaradaan ay ka tarjumeyso dhaqanka Soomaaliyeed ee ku salleysan diin jaceylka.

“Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

7-da tartame ee galay kaalmaha ugu horeeya tartanka Quraanka Kariimka ee bisha Ramadaan ayaa ku guuleystay abaal-marinada soo socda:


1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here