Sunday, September 8, 2024

Abiy Axmed oo ku xigeenkiisa u magacaabay Aadan Faarax

Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax u magacaabay madaxa cusub ee xafiiska isku xirka xarunta dhismaha dimoqraadiyada oo ka dhigan darajada Ra’iisul Wasaare ku xigeenka laga bilaabo 01 April 2024.

Aadan Faarax oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Itoobiya ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee Itoobiya ka noqda ra’iisul wasaare ku xigeen.

Shaqooyinka uu sida gaarka ugu xilsaaran yahay Aadan Faarax ayaa noqon doona kormeerida waxqabadka iyo madax-bannaanida hay’adaha dimoqraadiga ah ee Itoobiya sida Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya.

Aadan Faarax ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ugu saameynta badan Xisbiga xukuma Itoobiya ee PP, waxa uuna hore usoo qabtay dhowr xilka sida Afhayeenka Baarlamanka Fedraalka Itoobiya (2020) kuxigeenka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida (2018- 2020), wasiirka howlaha guud iyo dhismaha magaaloyinka, Barasaabka magaalada Diri dhaba.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here