Thursday, September 19, 2024

Abiy: Itoobiya waa inay heshaa bad Shakina kama qabno midnimada Soomaaliya

Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo maanta la hadlay xildhibaanada dalkiisa ayaa sheegay in xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya lagu dhamayn karo oo kaliya wada hadal dhex mara labada dowladood, isaga oo madaxda Soomaaliya usoo jeediyay inaysan isku daalin safaradda ay ku aadayaan dowladaha kale, iyaga oo dacwo ka ah Itoobiya

“Aad ayay u sahlan tahay sababtoo ah wax dagaal ah oo nagala dhexeeya dowladda Soomaaliya ma jiro. Waxaa ku filan hal saac oo duulimaad ah iyo inay anaga nala hadlaan” ayuu yiri, Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa tilmaamay in Sooamaliya ay door biday inay ku dacwayso dowladaha deriska ah, iyada oo ay qarashaad badan uga baxaaan duulimaadyada iyo safarada ay u galaan madaxda Soomaaliyeed arrinta ku saabsan khilaafka labada dal, taas oo ay ahayd sida uu sheegay inay uga filneed wada hadal ay la galaan Itoobiya si xal looga gaaro xiisadda taagan.

“Taladaydu waa inaysan iska khasaarin wax lacag ah. Ma jirto baahi keeneysa in lagu soo wareego waddamo kale si naloo dacweeyo iyada oo ay suurtagal tahay in Addis Ababa naloogu yimaado. Waxaan diyaar u nahay wadahadal” ayuu hadalkiisa raaciyay Abiy.

Abiy ayaa dowladda Soomaaliya kula taliyay inay lacagta ay ku bixinayaan safarada ku dhisaan School ama dhismo kale oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Mar uu soo hadal qaaday is-afgaradka badda ee dhex maray Somaliland, wuxuu carrabka ku dhuftay inay dhammaan dalalka deriska ah hor dhigeen baahida ay u qabaan inay helaan bad, wuxuuna caddeeyay inaysan ka helin wax jawaab ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaya eedeymaha loo jeediyay dowladdiisa ee ah in ay ka shaqeynayaan burburinta Soomaaliya, wuxuu yiri; “Itoobiya ma rabto kala goynta Soomaaliya, umana hurteen in ciidankeeda ku dhinto, hadday sidaas rabto”

Dhanka kale, waxa uu Abiy xusay in siyaasadda Itoobiya ay ku dhisan tahay ilaalinta deriska wanaaga iyo saaxiibtinimada, isaga oo tusaale usoo qaatay Soomaalida ku nool gudaha Itoobiya iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay inasyan wax shaki ah ka qabin midnimada Soomaaliya ” dowladda Itoobiyana shaki ah kama qabto midnimada Soomaaliya”

Sidaas oo ay tahay Abiy waxa uu hoosta ka xariiqay in Itoobiya aysan sii ahaan karin dowlad xanniban , isag oo tilmamay inay uga dhigan tahay “arrin qaran”

” Tani waa su’aal sharci ah. Sida badeecooyinka kale waa in si nabad ah oo wada hadal ah lagu xalliyo. Itoobiya waxay diyaar u tahay inay aqbasho taas”.

Abiy ayaa sidoo kale soo hadal qaaday inay Itoobiya leedahay wax soo saar ka ballaarin dowladaha deriska la ah sida Soomaaliya iyo Jabuuti, wuxuuna tilmaamay inay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan sidii la isku dhaafsan lahaa wax soosaarka si looga wada shaqeeyo is dhexgalka iyo horumarka gobolka.

Abiy ayaa yiri; “Shacabka Eritrea, Jabuuti, Kenya, Suudaan, iyo Soomaaliya waa walaalaheen, mana la rabno dhibaato. Waxaan rabnaa inaan nabad ku noolaanno; dalkani waa dal weyn oo leh ciidan badan, dad badan, Itoobiyana waxay la mid tahay walaal wayn oo gaashaan u ah dhammaan dalalkan ”

Hadalka Abiy Axmed ayaa kusoo beegmaya iyada oo wadahadalaldii todobaadkan labada dhinac ku dhex maray dalka Turkiga ay kusoo dhamadeen natiijo la’aan inkasta oo lagu ballamay wareeg labaad billowga bisha September.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here