Monday, September 16, 2024

Adeeggii Internet-ka  gobolka Amxaarada oo dib u soo laabtay

Addis Ababa (Dawan)- Adeegga internet-ka ayaa dib ugu laabtay 19 magaalo oo ku yaal  gobolka Amxaarada ee Itoobiya, taasoo soo afjaraysa xannibaddii Internet-ka  ee saarneed gobolka tan iyo bishii August ee sannadkii  2023.

Intenetk-ka ayaa la jaray kadib dagaalkii lagu hoobtay ee ka dhacay gobolkas kaas uu dhexeeyay ciidamadda dowladda iyo jabhadda Fano, iyada oo gobolka lagu soo rogay bandow.

Sida ay sheegeen dadka ku nool magaalooyinka Dessie iyo Bahir Dar, waxaa 14-kii bishaan July dib usooo laabtay adegga internet-ka inkasta oo xawaarihiisu yahay mid gaabis ah oo aan lahayn awood badan.  

Befekadu Hailu, oo ka mid ah  aasaasayaasha Xarunta Horumarinta Xuquuqda iyo Dimuqraadiyadda (CARD), ayaa sheegay in baaritaan lagu samayn doono sababta keentay in internet-ku noqdo mid daciif ah oo aysan dadku u isticmaali karin sidii la rabay.

Bishii September 2023, isbahaysiga Keep It On, oo ah shabakad caalami ah oo ay ku midaysan yihiin in ka badan 300  hay’adood oo  ka kala socda 105 waddan, ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya inay xayiradda internetka  ka qaado   gobolka Amxaarada.

Hay’aduhu waxay ay sheegeen in ay adkaatay in macluumaad laga helo dhibaatooyinkii ka dhanka xuquuqda aadanaha ee ka  dhacay gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here