Thursday, September 19, 2024

Afyare: qabyo qoraalka xeerka doorashooyinku waa isku karis

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Prof: Afyare Cabdi Cilmi, Agaasimhii hore ee Machadka Cilmi Baarista ee Heritage

Waxaan arkay qabyo-qoraal isku-karinaya dhammaan nidaam-doorashooyinka waaweyn ee dunida ka jira sida Nidaamka Horreeyaa Guuleysta (First Past Post), Nidaamka Metelaadda Isku-Dheeli-tiran ee Liiska Xiran (Closed-List Proportional Representation) iyo Nidaamka Liiska Furan ee Matalaadda Isku-Dheellitiran (Open-List Proportional representation).

Waxaa la isku-qasbayaa nidaamyo asal ahaan iyo mabda’ahaan kala duwan.  Waxaa hal sharci la iskugu keenay dhowr hawlood oo kala duwan.

Haddiiba uu jiro rabitaan ah in doorashooyin la galo ah, Baarlamaanka waxaa la gudboon inay xukuumadda ku amraan inay hirgeliso sharciga doorashooyinka ee dalku leeyahay.

Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaa keentay sharci doorasho oo ku salaysan Nidaamka Liiska Xiran ee Metelaadda Isku-Dheelli-tiran (Closed-List PR) . Runtii, wuu ka fiicnaa kan ay maanta Golaha Wasiirradu sameeyeen.

Baarlamaankii xilligaas jiray ayaa diiday oo guddi u saaray inay soo sameeyaan sharci doorasho. Guddigaas waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Cabdullaahi Carab. Guddigaas ayaa Sharcigan sameeyey, baarlamaankuna waa ansixyey. Madaxweyne Farmaajo wuxuu saxiixay February 20, 2020.

Mucaaradka iyo aqoonyahankii dhaliilay sharcigan waxay ku dhaliileen inaan waqtiga u harsan dowladda lagu hirgeli karin oo ay ka dhalanayso muddo-kororsi. Haddese, waqti dheer oo 2 sano ku dhow baa jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here