Sunday, September 8, 2024

Agaasime Cali-Nuur oo dib u helay xorriyadiisa

Muqdisho (Dawan)- Agaasimaha Dawan Media Group, Cali-Nuur Salaad ayaa dib u helay xorriyadiisa kadib dhowr maalin uu ku jiray xasbi.

Cali-Nuur ayaa lagu xiray 22-kii bishaan July saldhiga Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyada oo maalin kadib loo warejiyay Xabsiga Dhexe.

Xariga Cali-Nuur, waxaa cambaareeyay ururada saxafiyiinta, siyaasiyiin iyo waxgaradka bulshada, kuwaas oo ku tilmaamay tillaabo ka baxsan sharciga iyo dastuurka dalka ee damaanad qaadaya xorriyada hadalka iyo madax-bannaanida warbaahinta.

Dawan Media Group waxay sii wada doonta howlaheeda shaqo ee xaqiiqa raadinta iyo sidii bulshadu u heli lahayd warar la hubo iyo barnaamijyada diiradda saaraya xaaladda dalka iyo arrimaha bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here