Saturday, September 7, 2024

Agaasime Cali-nuur Salaad oo maalintii afaraad ku jira xabsi

Muqdisho (Dawan)- Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad oo Boliiska Soomaaliya xiray galabnimadii Isniinta kuna beegneed 22 bishan July 2024, ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah ku jira xabsi.

Cali-nuur waxa uu habeenki koowaad ku qaatay saldhigga Waaberi ee Muqdisho oo billowgi lagu xiray, inta aan loo wareejin xabsiga Dhexe oo uu hadda ku jiro.

Ururada saxaafadda, kuwa bulshada rayidka, siyaasiyiin iyo wax garad kale ayaa ka dhiidhiyay xarigga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad, waxayna ku tilmeemn xarigiisa mid ka hor imaanaya dastuurka iyo xeerarka dalka oo damaanad qaaday xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Shabakadda Dawan Media Group ( Dawan TV, Mogadisho 24 iyo بوابة الصومال) waxay ku celineysa codsigeeda la xiriira in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo siiyo xooriyaddiisa Cali-nuur Salaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here