Riyaad (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ee lagu qabtay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ammaanay kaalinta ay dowladda Sacuudigu ka qaadato maalgashiga iyo horumarinta dalalka Afrika.
Waxaan idinla wadaageynaa khuadbaddii Geelle oo qoraal ah ee akhrsi wacan.
Waxaa sharaf ii ah inaan mahadcelin ballaarn u jeediyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya madax iyo shacab ba sida muunadda wanaagsan ee ay noosoo dhaweeyeen iyo qaabaka sare ee loo diyaariyay howsha Madashaan.
Madaxda sharafta leh
Marka la eego isbeddelada Geo- istiraatijiga ee hadda taagan, waxaan bogaadineynaa hindisaha Sacuudiga ee ku saabsan in la qabto Madasha iskaashiga Sacuudiga iyo Africa taas oo tilmaameya kaalinta Boqortooyada ee lagu xoojinayo mabada’a wada shaqeynta si looga hirgeliyo Gobolka iyo Caalamakaba mustaqbal leh horumar wnaagsan, taas oo ka tarjumeysa kaalinta muuqata ee Sacuudigu ku leeyahay caalamka marka la eego miisaanka siyaasadeed, saameeynta dhaqaale iyo sidoo kale inuu yahay dal hormuud u ah soo bandhiggida hindisayaal cusub iyo xal u helidda dhibaatooyinka .
Shaki kuma juro in horumarkaan ballaaran uu yeelanayo marxalad cusub oo kusoo korortay xiriirka adag ee soo jireenka ah ee Sacuudiga iyo qaaradda Africa.
Madaxda sharafta mudan
Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay tusaale ku dayasho mudan u tahay sida ay ula jaan qaaday dadaallada horumarineed ee ka socda Afrika, waxeyna kaalin mug leh ka qaadata horumarinta Geeska Africa iyo Badda Cas
Waxaa muhiim ah in la tilmaamo in wax qabadka qiimaha leh ee Boqortooyada uusan ku koobnayn oo kaliya dhanka taageerida maaliyadda iyo maagashiga kala duwan ee saameeya dhinacyada nolosha, ee waxa ay sidoo kale kaalin ku leedahay siyaasaadda, amniga iyo is dhax galka Gobolka.
Hindisaheeda mudan in la bogaadiyo waxaa ka mid ah yagleelidda Golaha dowladaha Carabta iyo Afrikaanka ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Golahaas oo abuuraya iskaashi iyo is dhameystir u gaar ah dowladaha ku mideysan Golahaas.
Dowladda Jabuuti waxa ay ka mahadcelineysaa taageerada Boqortooyada ee dhinacyada horumarinta mashaariicda, isla markaana waxa ay caddeyneysa go’aankeeda ah in ay ka qeyb qaadato xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee Boqortooyada Sacuudiga iyo qaaradda Africa.
Iyada oo la eegayo meesha ay dhacdo dowladda Jabuuti ee istiraatiijiga ah ee ah ee Afrika u ah albaab, sidoo kale waxey leedahay awood gaar ah sida kaabayaalka dhaqaalaha horumarsan iyo aagaga dhaqaalaha ee xorta ah uguna weyn Africa, taas oo u sahleysa ganacsatada iyo maalgashadayaasha kala duwan in ay ka faa’iideystaan fursadahaan iskaashiga dhaqaale ee danta u ah Gobolka iyo caalamka.
Madaxda sharfta mudan
Magaalada Gaza waxay wajaheysa masiibo hor leh, dadka ku nool oo gaaraya 2 milyan iyo bar waxa ay xabsi ugu jiraan Gumeystaha Sahyuuniyadda ( Israel) kaas oo ku xadgudbaya kuna qasbaya in ay barakacaan, naftoodana ku biimeeyaan meel haadaamo ah, iyada oo u duqeyneysa si arxan darro ah, waxa ayna u diiday xuquuqda asaasiga ah sida biyaha, cuntata, dawooyinka, shidaalka iyo isgaarsiinta.
Xaaladdaan halista ah ee jirta (Gaza) waxey u baahantahay gurmad deg deh ah iyo in laga bixiyo jawaab adag.
Dowladaheena Africa waxaa saaran mas’uuliyad taariikhi ah, waana inaan u istaagnaa gargaarka iyo badbaadinta walaalaheen Gaza sida ugu habbon.
Ugu dambeynti, waxaan mahad naq ballaran u jeedinaya madaxda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo marti geliyay Madashaan, isla markaana si wanaagsan ugu diyaar garoobay ka mira dhalinteeda.
Waxaan ilaah ka baryaya inuu guul noogu dhameeyo howlaheena, hana nawaafajiyo khyerka iyo wanaaga.