Monday, September 16, 2024

Amiirka Kuwait oo soo dhisay xukuumaddii 2-aad muddo ka yar sanad

Kuwait (Dawan)- Amiirka Kuwait, Amiir Mishcal Al-Axmed Al-Jaber Al-Sabaax, ayaa soo dhisay xukuumaddiisi labaad inta uu dalka xukumaayay oo ka yar hal sano.

Tillaabada uu kusoo dhisay xukuumadda cusub ayaa daba socota go’aankii uu Jimcihii lasoo dhaafay ku kal diray Golaha Shacabka .

Wakaalladda Wararka Kuwait ayaa sheegtay in wareegto kasoo baxday Amiirka dalka lagu magacaabay xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Axmed Cabdullaahi Al-Axmed , taas oo ka kooban 13 wasiir.

Marka loo eego magacyada xukuumadda cusub waxaa ka mid ah , Fahad Yuusuf Sacuud Al-Sabaax oo laag dhigay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka koowaad, Wasiirka Difaaca iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Cali Cabdullaahi ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Maalintii Jimacaha ayay ahayd, markii Amiirka Kuwait uu khudbad ka jeediyay taleefishinka, isaga oo sheegay inuu amray in la kala diro Golaha Shacbiga (Baarlamaanka) lana laalo qodobo ka mid ah Dastuurka muddo aan ka badneyn 4 sano, iyada oo muddadaas dib u eegis lagu sameynayo hannaanka dimoqraadiyadda ee dalka.

Amiir Mishcal ayaa tillaabadan ku tilmaamay go’aan adag oo lagu badbaadinayo qaranimada dalka, laguna xaqiijinayo danta guud ee shacabka Kuwait, isaga oo ku eedeeyay qaar ka mid ah xildhibaanada in ay faragelin ku sameeyeen howlaha xukuumadda iyo dhaxal-sugaha dalka

Amiirka Kuwait ayaa hoosta ka xariiqay in uusan ogolaa doonin in dimoquraadiyadda ka jirta dalka looga faa’iidaysto burburinta dowladnimada, wuxuuna ballanq aaday inuu ilaalin doono maslaxadda guud ee dalka iyo dadka Kuwait.

Sida ku cad wareegatada uu soo saaray Amiirka, qodobada Dastuurka ee la laalay ayaa la xiriira shaqada Golaha Shacbiga iyo doorka ay ku leeyihiin soo saarista sharciyada iyo ansixinta heshiisyada.

Waa markii saddexaad taariikhda dalka Kuwait ee la laalo qodobo ka mid ah Dastuurka, iyada oo tillaabadan oo kale hore loo qaaday sannadkii 1976-kii xilligii Amiir Sheekh Sabaax Al-Salem iyo sannadkii 1986-kii xilligaas uu xukunka hayay Sheekh Jaber Al-Axmed Al-Jaber Al-Sabaax.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here