Thursday, September 19, 2024

Amiirka Qatar oo dhambaal ka helay Madaxweynaha Jabuuti

Dooxa (Dawan)- Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad ayaa ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dhambaal afka ah oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimaha guud ee gobolka.

Dhambaalka waxaa gaarsiiyay Amiirka, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdulqadir Kaamil Maxamed oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sidoo kale la kulmay dhiggiisa Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal iyo arrimo dhowr ah oo la xiriira gobolka iyo caalamka.

Cabdulqaadir Kaamil ayaa kala hadlay Suldaan bin Axmed oo ah ku-simaha agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta, qodobo ku saabsan sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda uu Sanduuqo ka fuliyo Jabuuti.

Xiriirka ka dhexeeya dowladaha Qatar iyo Jabuuti ayaa ku suntan iskaashi iyo wadashaqayn heer gobol iyo heer caalami ah, waxayna labada dal dhawaan kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan gaadiidka cirka iyo horumarinta waxbarashada.

Share this article

Recent posts