Thursday, September 19, 2024

Anadolu: Xasan Sheekh oo booqanya Baydhabo

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu booqdo magaalada Baydhabo xilli ay cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleekda Koonfur Galbeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Villa Somalia wax war ah oo safarka madaxweynaha ku saabsan kama soo bixin weli.

Safarkii uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ku tegay Baydhabo iyo waan-waan kale oo laga dhex waday dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaan laga gaarin wax natiijo ah.

Sababo is biirsaday oo qabiil, doorasho iyo dano kale la xiriira ayaa loo aaneynayaa inay xiisadda labada dhinac salka ku heyso, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la arkayay mas’uuliyiin warbaahinta isku marinaya hadallo ay ka muuqato xanaf.

Arrintan ayaa u muuqata tillaabadii ugu dambeysay ee uu Xasan Sheekh ku doonayo inuusan go’in xirirka kala dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Cabdicasiis Laftagareen kadib kala taggii dowlaadda dhexe iyo Puntland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here