Sunday, September 8, 2024

Aqoonyahanka iyo waxgaradka oo walaac ka muujiyay xariga Cali-Nuur Salaad

Muqdisho (Dawan)- Waxaa isa soo taraya cambaareynta ka imaanaysa aqoonyahanka iyo wax garadka Soomaaliyeed kuwaas oo aad uga xun xariga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad, waxeyna walaac ka muujiyeen xoriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Cali-Nuur Salaad ayaa la xiray 22-kii bishaan July, isaga oo habeenki koowaad ku qaatay saldhigga Waaberi ee Muqdisho oo billowgi lagu xiray, inta aan loo wareejin xabsiga Dhexe oo uu hadda ku jiro.

Cabdirashiid Xaashi, Agaasimihii hore ee Machadka Heritage, isla markaana ah cilmi-baare caan ah, horayna uga soo mid noqday xukuumadihii dalka soo maray ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Cali-Nuur , isagoo ku nuux-nuux saday in haddii uu dambi galay la soo dacweeyo, isla markaana la horgeeyo Maxkamad.

“Ma ahan nin cararaya, waana shakhsi aad loo yaqaano. Marka waa in lasii daaya inta uu sugayo maxkamad”, ayuu yiri, Xaashi isaga oo sii iftiimiyay in dadka xabsiga lagu hayo muddo dheer maxkamad la’aan ay tahay wax aan la aqbali karin.

Prof Afyare Cilmi oo sidoo kale Agaasime kasoo noqday Machadka Heritage, waxna kasoo dhigay Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda ah ayaa ka mid ah aqoonyahanada ka dhiidhiyay xariga Cali-Nuur Salaad, wuxuuna ku baaqay in lasii daayo oo dib loo siiyo xorriyadiisa.

“Waxaa ila quman in ciddii ku khilaafsan Wariye Cali Nuur aragtidiisa ay keento dood iyo xaqiiqooyin ka duwan kuwiisa. In awood iyo xarig loo isticmaalo meesha kuma jirto. Saxafiga in la sii daayo ayaan qabaa“. ayu bartiisa X kusoo qoray Prof Afyare

Hodan Cali, oo hore ula soo shaqaysay maamulka Gobolka Banaadir , ayaa aad u dhaliishay hannaanka loo maray xariga Agaasime Cali-Nuur Salaad, waxeyna ku tilmaamtay tillaabo aad looga xumaado.

Hodan ayaa tiri; ” Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dhab ka tahay ilaalinta sumcadda xukuumaddiisa, waa inuu kula xisaabtamaa wasiirradiisa falalka ay ku kacayaan” waxeyna dib u xasuusisay tillaabooyinkii la midka ahaa ee ay qaadeen xukuumadihii ka horeyay.

Samiira Geedi oo ah khabiir dhanka amniga ayaa dhnakeeda walaac xooggan ka muujisay dhacdadan, iyadoo ku tilmaamtay inay tahay tillaabo murugo leh oo muujinaysa inay sii yaraanayayaan fursadaha u furan bulshada rayidka.

“Tillaabadan waxaa si cad loogu talagalay in lagu cabsi geliyo saxafiyiinta iyo dadka soo jeediya dhaliilaha, in la aamusiyo mucaaradka, laguna caburiyo xoriyatul qawlka,” ayay tiri Samiira.

Ururada saxaafadda, kuwa bulshada rayidka, siyaasiyiin iyo wax garad kale ayaa hore u cambaareeyay xarigga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad, waxayna ku tilmaameen xarigiisa mid ka hor imaanaya dastuurka iyo xeerarka dalka oo damaanad qaaday xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Shabakadda Dawan Media Group ( Dawan TV, Mogadisho 24 iyo بوابة الصومال) waxay ku celineysa codsigeeda la xiriira in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo siiyo xooriyaddiisa Cali-nuur Salaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here