Friday, September 20, 2024

Arday Jaamcadeed oo lagu afduubtay Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Dalka Itoobiya, kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoonin ayaa afduubtay Arbacadii lasoo dhaafay ku dhawaad 100 arday, iyada oo aan laga warhaynin halka ay ku dambeeyeen ilaa iyo hadda.

Afduubka ardayda ayaa dhacay seddexdii bishaan July xilli ay ardaydu kusii jeediin caasimadda Addis Ababa iyaga oo kasoo baxay gobolka Amxaarada.

Ardaydaan oo intooda badan wax ka barata Jaamacadda Debark ayaa lagu bartilmaameedsaday meel u dhow magaalada Gerbe Guracha, oo ku taalla Waqooyiga Shewa ee gobolka Oromada, sida ay goob joogaayaal u sheegeen BBC-da laanteeda ku hadasha Af- Amxaariga.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in qaar ka mid ah ardayda ay u suurta gashay inay ka baxsadaan kooxdii afduubatay, inkasta oo ay weli qaar badan oo kale ay ku jiraan gacanta afduubayaasha, kuwaas oo dalbaday lacag madaxfurasho ah.

Mid ka mid ah qoysaska ay maqanyihiin ardayda la afduubtay ayaa sheegay in la waydiistay lacag madax furasho ah oo gaareysa 700,000 oo lacagta Itoobiya ah, taas oo ah lacag aysan awood u lahayn inay ku bixiyaan mudda loo qabtay oo ah saddex maalin oo kaliya.

Dhawaan warbixin laga soo saaray dalka Itoobiya oo ku saabsaneed xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay inay sii badanayaan falalka afduubka ah iyo kooxaha doonaya lacag madax furasho ah oo aysan awoodin inta badan dadka la kulma afduubka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here