Thursday, September 26, 2024

Asad Diyaano.. Waa kuma taliyaha cusub ee Boliiska Soomaaliyeed?

Muqdisho (Dawan)- Wixii Khamiisyo badan magacaabistiisa la sheegaba  manata ugu dambeyn waa lagu dhawaaqay. Maanta laga billaabo Asad Cismaan Cabdullahi waa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay magacaabista General Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), kaddib soo jeedin ka timid Wasiirka Amniga Gudaha. Magacaabistan ayaa imaanaysa iyadoo xilkaan uu baneeyay Sulub Axmed Firin, oo dib ugu noqday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Asad Diyaano waxa uu ka mid ahaa musharrixiintii tartanka kula jiray Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni doorashadii madaxweynenimo ee Puntland. Siyaasad ahaan, labadoodu aad ayay ugu kala aragti duwanyihiin arrimaha maamulka iyo siyaasadda Puntland.

Magacaabista Asad Diyaano ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kaddib markii Madaxweyne Deni uu shaaciyay in Puntland ay diyaar u tahay wadahadallo furan oo lala galo Dowladda Federaalka, taas oo ah tallaabo muujinaysa in la damacsan yahay xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Waa Kuma Asad Diyaano?

Dhalashada iyo Barbaarka

Waxa uu ku dhashay Degamada Gallaadi ee gobolka Dolollo oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Somaalida sanadkii 1983.

Noloshiisi hore waxa uu ku soo qaatay caasimadda Soomaaliya, ee Muqdisho balse markii dambe waxa uu wareegay magaalada Gaalkacyo, isaga oo halkaas uga baxay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar.

Waxbarashada

Shahaadadiisi koowaad ee Jaamacadda waxa uu ku qaatay Cilmiga Tiknoolijiyadda isaga oo ka baxay Jaamacadda Osmania ee dalka Hindiya.

Kusoo biiritaankiisi ciidamada

Asad Cismaan Cabdullaahi, waxa uu horey gacanyare ugu ahaa aabihiis General Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, oo madax ka ahaa Ciidanka Amniga Puntland (PSF) intii u dhaxeysay 2004-2010. Kaddib, intii u dhaxaysay 2010-2018, Asad wuxuu noqday Agaasimaha PSF, isagoo door muhiim ah ka soo qaatay sugidda amniga Puntland.

Dhanka Siyaasadda

General Asad waxa uu labo jeer u tartamay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland sanadihii 2018 iyo 2024. Labada jeer waxaa doorashada uga guuleystay musharax Siciid Cabdullaahi Deni.

Magacaabidda Asad Diyaano ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saameyn ma ku yeelan doontaa mowqifka Puntland iyadoo Madaxweyne Deni uu ku baaqay wadahadallo lala galo dowladda Federaalka ah?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here