Thursday, September 19, 2024

Askar loo haystay dil oo lagu riday xukunno kala duwan

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku riday 7 askari oo lagu eedeeyay dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Mahdi Colaad Xiireey iyo Nuur Daahir Xersi waxaa lagu xukumay in ay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah ahna magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

Xasan Cabdulle Samatar ayay maxkamadu ku xukuntay 7 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Khaliif Xuseen, Cabdiqani Cali Xaaji, Nuur Cabdi Maxamed iyo Axmed Xasan Maxamed, ayaa lagu xakumay min seddex sano oo Xabsi Ciidan ah.

Dhamaantood waxay racfaan ka qaateen xukun ay horey ugu ridday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada.

Laba maalin ka hor, Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa dil iyo lix sano ku kala xukuntay laba sarkaal oo ka kala tirsanaa NiSA iyo Boliiska.

Dalka waxaa ku badan dilalka ay askartu kula kacaan dadka rayidka ah ama dhexdooda, waana tan keentay in si isdaba joog ah loo arko xukunno ka dhan askarta oo kasoo baxaya Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here